X

Jawaari iyo taageereyaashiisa oo shir jaraaid qabtey iyo kulanka Sabtida

Gudoomiyaha lagu dhegan yahay ee barlamaanka Jawaari Iyo taageereyaashiisa ayaa shir jaraaid kaga hadley Waxa looga hadli doono kulanka Sabtida.



“Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi (Buux).



Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa horey u sheegay Sabtida soo aadan ee Taariikhda ay ku began tahay 31-ka bishan March in xildhibaanada ay ka doodi doonaan Mooshinka Guddoomiye (Jawaari).

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.