Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh oo ku fashilmey in uu doorashada qabto xilligii loogu talogalay ayaa raba in uu mudada kordhisto kana dhigo doorashada bisha kow iyo tobnaad.
Waxa ku darsigaa ka diidey gudoomiyaha barlamaanka Jawaari oo qaba dastuuriyan in marka Xasan Sheekh xilligiisu dhamaado uu xilka sii hayo gudoomiyaha barlamaanka.
Xasan Sheekh ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu doorashada dib u dhigtey muddo laba bilooda iyadoo uu la sugey xilligan.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka oo dhigaya in marka Madaxweynaha xilka ka dhamaado inuu xilka sii heynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Laakiin Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba ka soo hor-jeestay hadalkaas, isla markaana ku dooday in haddii muddo kordhintaas jirto ay tahay in dowladda dhan ay sii shaqeyso, inta dowlad cusub la soo dooranayo.
Qodobka 91aad ee Dastuurka ayaa dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii heynayo xilka, inta Madaxweyne laga dooranayo.
Xasan Sheekh oo raba in uu dib u soo noqdo isagoo waxba aan qaban laguna khasaarey mudadii afarta sano ahayd qaba haddii uu xilka ka dego in cidiba dooran waydo.
Shirkan lagu sheegay Madasha wada-tashiga qaran ee aan loo dhanayn ayaa maalinta berri oo Axad ah si rasmi ah loo soo gaba gabeyn doonaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS