X

Jawaari oo markale ku guulaystey afhayeenka barlamaanka iyo codadka uu helay

Waxa mardhow la soo gabagabeeyay tirinta doorashada gudoomiyaha barlamaanka oo uu ku guulaystey Jawaari oo jagadan ku helay kursiga beesha Digil iyo Mirifle, taas oo ka dhigin in booska madaxweynaha ayna ka qaybgalayn.



Jagada madaxweynaha ayaa waxa hadda ku tartami doona labada qabiil ee DAAROOD IYO HAWIYE halka qabiilka aan jirin ee DIR ayna cidi u sharaxneyn laakiin la kala qaybsado kuraastooda.



Somalida oo sugeysay isbedel ayay soo noqoshada Jawaari oo u gogol xaadheysa suuragalnimada ah in Xasan Sheekh soo jiito xildhibaanada Digil iyo midhifle halkaasna isbedelkii dalku sugayay ku baaqdo.

Codadka ayaa sidan u kala dhacay:



1-Prof. Max’ed Cismaan Jawaari 141-Cod

2-C/rashiid Max’ed Xidig 97-cod

3-C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey) 17-cod

4-Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.