X

Jawaari oo u jawaabay xildhibaano dalbadey inuu shaqada ka tago

Jawaari ayaa u jawaabay xildhibaano dalbadey inuu shaqada ka tago. Kulan ay xildhibaanadu yeesheen ayaa Jawaari loogu baaqay inuu is-casilo mar haddii uu ku fashilmey hawshii loo igmadey.

Jawaari ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho , wuxuuna shirkiisa kaga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin Mooshinka isaga ka dhanka ah.



Waxa uu sheegay Guddoomiye Jawaari inuu dhamaaday khilaafkii keenay Mooshinka, wuxuuna tilmaamay inuu jiro Mooshinka, uuna codsanayo in 10 maalmood gudahooda lagu horgeeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay muranka siyaasadeed inuu curyaamiyay hawlaha Dawladda, maadaama Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ku mashquuleen Mooshinka, aysana shaqeyneyn xafiisyada Dowladda.



“Dhammaan xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed waxay marqaati ka yihiin inaan qabtay oo aan agaasimay Madaxweynayaal si nabad ah isku bedelay, Madaxweyne walba midkii guuleystay iyo midkii laga guuleystay iyaga oo gacmaha is heysta ayay albaabka ka baxeen.” Ayuu yiri (Jawaari).



Qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa shalay ku eedeeyay inuu ku xad gudbay Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaan ay ugu baaqeen inuu is casilo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.