X

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo iska casilay xil aanu qaadi karin oo Farmaajo u magacaabay

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib ayaa iska casilay xil aanu qaadi karin oo Farmaajo u magacaabay. Jeneraalka oo Universaltv si qaldan u waraysatey oo ka baxsan anshaxa saxaafada ayay u muuqataa in loo dhiibey hawl u da’ka yahay.

Ruug cadaa Jaamac Maxamed Qaalib ayaa loo magacaabay xalay Guddoomiyaha Sanduuqa Taakuleynta Ciidamada laakiin saacado kadib xilkaas ayuu iska casilay.



Madaxtooyadda Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka uu Janaraal Qaalib xilkan isaga casilay waxaase la filayaa in badalkiisa la magacaabo.



Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xalay sheegay in barnaamijka Taakuleynta ciidamada uu yahay mid lagu tayaynayo laguna dhiiragelinayo ciidamada qaranka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.