Jigjiga ayaa aas qaran loogu sameeyay Somalidii Oromadu ku xasuuqdey deegaanada Hawadaay iyo kuwa u dhow maalintii Isniintii.
Dad aad u murugeysan kana cadhaysan xasuuqa ayaa isugu soo baxay aaska qaran oo ay qaban qaabisey dawlada ismaamulka Somalida ee uu hogaanka u hayo mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la hadley dadkii sida fiican isugu soo baxay.
Xiriirka Oromada iyo Somalida ayaa gaaray meel aad u hoosaysa kadib xasuuqan loogu gaystey dhulka Oromada Somali u joogtey in ay biilaan isla Oromada.
Qaadka Oromadu u soo dhoofiso Somaliya ayaa waxa ka soo gala kumanaan doolar maalintii. Waxase dad badan is waydiinayaan cida soo abaabushey xasuuqan iyo danta ay ka leeyihiin.
Dad aad u farabadan ayaa ka soo qaybgalay aaskan boqolka qof lagu aasay Jigjiga. Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Oromadii sida aadka ah u deganayd Jigjiga ay qaarkood ka baxeen magaalada.
Oromada ayaa dagaal hoose kula jirta dawlada dhexe ee Itoobiya kamana faaiideyso in ay colaad gashato dadka nolol badan ay kaga xiran tahay ee Somalida ah.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS