Jabuuti–Wasiirka arimaha dibedda Maraykanka John Kerry ayaa gaaray Jabuuti halkaas oo uu la kulmay soona dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle. John Kerry ayaa Jabuuti kala hadli doona isticmaalka garoonka Jabuuti iyo waaxda laanta hawada oo lagu tilmaamay caajisiin ku seexda shaqada.
Maraykanka ayaa isticmaala garoonka Jabuuti si uu ugala dagaalamo argagixisada caalamiga ee banaysatay dhiiga bani aadamka.
Jabuuti ayaa dhinaceeda rajaynaysa in Maraykanku u kordhiyo lacagta ay ka qaado isticmaalka garoonka oo hadda ku dhow 40 milyan sanadkii.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM