X

Juxa ”Ardayda Boorame Waxaa leeyahay walwal ma jiro ee waxbarshadiina sii wata….”

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo ka haDlayey dhibaatada ay keentay hadalkii uu jeediyey Faysal Waraabe oo maalmahan laysla dhaxmarayey warbaahinta xorta ah iyo jawaabihii ka soo baxayey Puntland.



Waxaa uu go’aansaday Mudane Juxa inuu ka hadlo lana joojiyo waxyaabaha dhibaatada abuuraya.

Waxuu hadalkiisa Ku bilaabay:

Reer Borama iyo Jaamacada Camuud ma matalo odayga “MASKAXGUURKA” qaba ee Faysal Waraabe.

Madaxweyne Gaas waxaan leeyahay waxaan aad gudiga amniga ku sheegtay iyo wiilkaan afhayeenka ah naga xakamee, macno darada ay saxaafada la taagan yihiin sida joogtada ah.



Ardayda Borama waxaan leeyahay sii wata tacliinta aad ku guda jirtaan, maanlaaweyaasha isu jawaabayana dhag ha u jalaqsiinina.

Faysal Ali Waraabe iyo Abdullahi Quran-jecel oo u kala hadlay Hargaisa iyo Garowe xagga af-xumada waa isku ag kufeen.
Waxaan leenahay ha goynina xargaha iyo dunta dadka isu haya oo dhan. Wax walba siyaasad maaha. Berri ayaa jirta ee HALA OGAADO
Hambalyo iyo bogaadin reer Borama iyo Jaamacadda Camuud oo kaalin nadiif ah qaatay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.