X

Kama maarsamayso inaan arko madaxweynaha oo aan dhamayno waxa jira: Axmed Madoobe

Madaxa maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa sheegay inayna ka maarsamayn inaan madaxweynaha Xamar ugu tago oo aan dhamayno waxa jira. Axmed madoobe ayaa Kismaayo ka soo celiya madaxda dawlada soo magacowdo.


Dawlada dhexe ayaa xaq u leh inay magacowdo qofka ay u aragto inuu gudan karo hawsha qaranka waxase taas diidey Axmed Madoobe oo Kismaayo ka soo celiyay madaxdaas oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Kadib kulan uu la qaatey Raiisal wasaare Xasan Cali ayuu sheegay inay waxkasta isla qaateen raiisal wasaaraha oo runtii ayuu yiri iyagu dalbadeen inuu u yimaado waxna kala qabto wasaaradaha qaar.


Waxa burburey horjoogeyaal lix ahaa oo laga maamulaayay dibedda oo hadda uu ka haray kaliya Axmed Madoobe oo isagu Kismaayo ku yimi taageero uu ka helay ciidanka Kiiniya, markii dambena dawlada taagta daran aqoonsatey si loo helo deganaansho.

ā€¯Shaki Kuma Jiro ayuu yiri Yuusuf Calasow oo Muqdisho jooga in dawlado Maraykanku ku Jiro ay dabada ka riixaayeen horjoogeyaashii hadda lumiyay taalada maamulada gobolada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.