X

Khatar nooceeya ayay Somaliya ku yeelan kartaa Taalibaanka loo baneeyay Afqanistaan

Waxa maanta caasimada Kaabuul ka baxay madaxweynihii dalkaasi ayadoo gebi ahaanba ciidankii dalkaasi lahaa aanu dagaalamin ee ay hubkii iyo ciidankiiba qaaarna isku dhiibeen qaarna suuqa iska galeen.

Hadaba waxaad is weydiin kartaa saameyn intee leeg ayay ku lahaan Somaliya oo ay joogaan kuwii lagu soo tababaray Afqanistaan.


”Saameyn xoogleh ayay ku lahaanaysaa waayo hadda waxa ku doodi karaan inay xasuuqyada kordhiyaan iyo amni darada si ay u gaadhaan danahooda ayuu yiri Cali Calasow. Waa shaki la’aan saamaynta ugu yar ayaa ah in niyadu u dhismayso keliya maaha Somaliya ee dhamaan caalamka Muslimka ee ay joogaan.

Waxa Afqaanistaan laga taagay calankoodii hadda waxay haystaan meel ay si xora ugu tababartaan noocyada kala duwan ee dagaalka ayna si xora ku joogi karaan.


”Guusha gacanta loo geliyay dhiigmiiratada waxay keenaysaa in dhalinyaro badan u fahmaan in isqarxin iyo miinooyin muslimiinta lagu dilo iyo gaalayn ay tahay wadada lagu galo janadda haddana  markii ugu horeysay heleen dal kuwo la fikira ay xukunka hayaan ayuu raaciyay Cali Calasow.


Waxa durtaba xalay aan ku arkaynay baraha bulshada in kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab ay durba u dagaal degaan. Waxana iyana farxad joogi waayay kooxda Daacish.

Waxase la ogaan doonaa maalmaha soo socda sida xaalada Afqaanistaan isku bedesho iyo siyaasada ka soo dhex baxa sida uu noqdo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.