X

Khawaarijta Shabaab oo madaafiic tuugo ah ku soo tuuray xaafado ka tirsan Muqdisho iyo shacab wax soo gaareen

Muqdisho–Wararka ka imanaya xaafada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho aya csheegaya in khawaarijta shabaab ay madaafiic ku soo tuureen agagaarka wasaarada gaashaandhiga halkaas oo ay wax ku noqdeen dad shacaba oo deganaa. Ciidanka nabadsugida ayaa hal hal u baaraya guryaha ku teedsan wasaarada gaashaandhiga oo Xasan Sheekh ku sugnaa duhurkii.

Xarunta Madaafiicda lagu garaacay ayaa waxa ay ku taala wadada Warshadaha, iyadoona uu xiligaasi Wasaarada ku dhex sugnaa Madaxweyne Xassan Sheekh, Mas’uuliyiin ka kala tirsanaa Labada Gole ee DF Somalia, Taliyayaasha Nabadsugida iyo Boliska, kuwaasi oo ka qeybgalaayay munaasabada 12-ka April, oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xooga Dalka (1960-kii).

Dhawaqa Madaafiicda ayaa waxa ay qalqal galisay Mas’uuliyiintii ka qeybqaadaneysay Munaasabada, waxa ayna Madaafiicdu daba soctaa madaafiic kale oo xalay lagu garaacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoo ay waxyeelo kala duwana ka soo gaartay dad shacab ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.