X

Khilaaf xun oo durba ka qarxay Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid Sharmaake oo la xiriirta wasiirada

Muqdisho 05 Jan 2015–Xasan Sheekh oo adeegsaday kooxaha diimaha iyo kuwa kale ee raba inay ka soo muuqdaan golaha wasiirada ayaa hadda muran cusub u dhexeeyaa isaga iyo Cumar C/rashiid. Xildhibaan ka hadlay halka laysku haysto ayaa shegay in ay arintu tahay tirade wasiirada iyo in loogu daro dad ay soo xusheen Sharif Xasan iyo Xasan Culusow.

Xasan Culusow ayaa ku fashilmey talada dalka mana jirto wax raja ah oo Somalidu ka qabto in uu wax bedelo ama keeno isbedel cusub aan ka ahayn in loo kordhiyo kursiga.

Khliaafka cusub ayaa durba waxa ka naxay Somalida tirada yar ee raja ka sugeysa Xasan Culusow. Xildhibaanka ayaa inta ku daray in wasiirada laysku haysto ay ku jiraan kuwii hore u riday raiisal wasaarihii hore.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.