X

Kiiniya oo dabin la damacsan Somaliya: WARBIXIN

In muddo ahba waxay Kiiniya ku doodaysay in Somaliya joojiso maxkamada ay la fuushey ee arinta badda lagu dhameeyo isfahamkii ay saxiixeen fadhiid C/raxmaan Cabdishakuur iyo Cumar C/rashiid. Labadan ayaa hadda u shaqeeya ajaanibta Carabta iyo Kiiniya.


Markey Kiiniya aragtey inay lumin doonto arinta badda ee hadda taala maxkamada caalamiga ah waxay dhowr jeer isku daydey inay Somalida kiciso. Waxaan shaki ku jirin in iyada (Kiniya) iyo argagixisada uu ka dhexeeyo hal mowqif oo ah Khalkhal ku jirida Somaliya.


Waxay si toosa faraha ugula jirtaa siyaasada Kismayo iyo weliba ka ganacsiga dhuxusha iyo mukhaadaraadka kale ee laga dhoofiyo dekedda Kismaayo ayagoo malaayiin doolar ka hela.

”Welli lama arag Kiiniya oo weeraraysa argagixisada in la soo weeraro mooyee, waxaanad moodaa inay gaartey hadafki ay lahayd oo ahaa deked Somaliyed gacan ku dhig cid bad kaaga daba timaada aad weydide.


”Waxay jeceshahay in ciidanka Somalidu la dagaalamo si ay u tiraa hala joojiyo dacwadaa maadaama dagaal naga dhexeeyo Somaliya si ay ugu soo durugto xuduuda dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.