Gudoomiyaha Jaziirada Lamu Ciise Timamy ayaa sheegay in dhismaha gidaarkan la dhameyn doono dhamaadka sanadkan, isagoo xusay in ujeedku yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada ka imaanaya Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in darbigan weyn uu ka caawin doono sidii looga hortagi lahaa dadka sida sharci darada ku soo galaya dalka Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya.
Kiiniya ayaa ku marmarsiiyoonaysa in ay argagixisada shabaab u diideyso in ay toos u soo weeraraan iyo waliba soo galootiga ka imanaya Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS