X

Kiiniya oo ka fikiraysa inay ka korboodo dawlada dhexe wakiilna u dirsato Hargeysa

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Kiiniya ka fikirayso inay wakiil u dirsato Hargeysa, waxa Kiiniya dabada ka riixaya Ingiriiska oo leh ku dhiiro. Wararkan aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in Kiiniya wefti u dirtey Hargeysa soo eega halka laga furi karo guriga wakiilka.


Waxa Hargeysa iyo Somaliya oo dhan jooga Kiiniyati si xooga uga xoogsada oo qaatey shaqooyinkii Somalidu qabsan lahaa. Kiiniya ayaa hore u sheegtay inay qaadkooda u iibin doonto Hargeysa.


Wax qarsoon maaha in Kiiniya taageerto maamulka Somaliland ee hadda sheekada ictiraafku marhore burburtey waayo waxa ku jirta danteeda ghaarka ah oo ilaa inta ay jirto sheekada goosadka inkastoo ay burburtey waxay Kiiniya leedahay rajo.

Warkan ayaan si rasmiya uga soo bixin wasaarada arimaha dibedda Kiiniya laakiin ay qoreen taageerayasha maamulka Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.