Kiiniya ayaa hadashay tirada qaxootiga ee isaga noqdey xeryahay ku jireen mudada 26 sano kadib burburkii dalka ay sababeen kooxihii indhaha la’aa ee ay taageerayeen reer galbeedka iyo wadamada jaarka.
Xerooyinka Kiiniya ka furan ayaa ku jirey dad ka badan nus milyan oo ka cararay dagaaladaas. Dadkaas ayaa intooda badan ka qaxay Muqdisho iyo gobolada Koofurta.
Waxa dadkaas Kiiniya loogu gaystey Kufsi aad u farabadan iyo dil, waxayna ku noolaayeen cabsi joogta, waxana iyaganala mid ahaa kuwii u kaxay Yaman oo la kulmey sidaas oo kale.
Madaxwyne ku xigeenka Kiiniya oo booqdey xerada Dhadhaab ee gobolka Gaarisa ayaa sheegay in 300,000 (sadex boqol oo kun) oo qaxootiya ay ku noqdeen dalkoodii hooyo.
”Guryihii ay ku jireen waxaan ka dhisaynaa dugsiyo gabdheed iyo goobo wax lagu tababaro ayuu yiri Ruto.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS