X

Kiiniya oo ku dadaalaysa in aan doorasho ka dhicin Garbahaaray

Kiiniya ayaa aad ugu dadaalaysa inayn Garbahaaray ka dhicin doorasho oo kuraasta halkaas taala loo soo raro Kismaayo. Waxay amartey horjoogaha ay ku hayso halkaasi inuu diido.


”Waxa la filayaa in horjooge Axmed Madoobe oo Kiiniya ku hayso Kismaayo uu soo saaro amarka la faray si degdega ugu dambeyn berito oo Axada ayuu yiri Cali Calasow. Maraykanka ayaan ku darin Axmed Madoobe kuwa uu u hanjabayo.



Kuraastii taalay Kismaayo ayaa intooda badan uu ku shubtey ama ugu yaraan ugu hanjabay kuwa soo baxay inay doorashada ugu shubaan Siciid Deni oo sharaxan. Waa qorshe Kiiniya ugu yeertay horjooge Siciid Deni oo aan danaynay jadwalka doorashada.

Waxa la eegi doonaa sida kooxda Xalane ay uga falceliso ayadoo laga rabo in doorashada la soo af-jaro usbuuc iyo badh kadib.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.