Kiiniya ayaa lacag ku guranaysa dadka isku kala gudbaya gobolka Gedo. Qaylodhaan ka soo baxdey dadka deegaanka ayay ku sheegeen in Kiiniyaatigu lacag guranayo.
Magaalooyinka Mandhera iyo Balad-Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Balad-Xaawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera.
Nabadoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Degmada Balad-Xaawo oo saxaafada u maramay ayaa sheegay lacagaha laga qaado dadka Mandhera u gudbaya oo uu ku sheegay nus doolar.
Shacabka deegaanka ayaa maamulka Gobolka Gedo ugu baaqay inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Balad-Xaawo ka taagan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS