Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee Kiiniya gacanta ku hayso ayaa sheegaya in garoonka laga soo celiyay musharax xildhibaan xilli raiisal wasaaraha Somaliya uu maalmahan u joogey Kismaayo sidii doorasho u dhici lahayd.
Kiiniya ayaan welli joojin qaska doorashada ee ay ka wado magaalada Kismaayo, talaabadana waxay wax u dhimaysaa dadaalada uu wado raiisal wasaaraha ee lagu rabo in doorashada la aado.
Maamul jufeedyada iyo xukuumada ayaa isku raacay in bisha Oktoobar ee sanadkan la qabto doorashada madaxweynaha, waxana ka mida heshiiska in Kiiniya faraha kala baxdo arinta Jubooyinka.
Musharaxa loo diidey inuu Kismaayo galo ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Raage.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS