X

Kiiniya oo rabta inay isku jabiso Jabuuti iyo Somaliya iyo wefti Jabuuti ka socda oo

Waxa maanta la filayaa in wefti ka socda Jabuuti uu yimaado Somaliya kadibna loo qaado xad beeneedka Somaliya iyo Kiiniya gaar ahaan Madheera oo Kiiniya dhinaceeda ku hubaynayso maleeshiyo daacad u ah iyada oo fuliya danaheeda dawlad la’aaneed.


Wefdigan oo lagu sheegay inuu ka dhashay is aragii madaxweyneyaaha IGAD ee Jabuuti ayaa la filayaa inuu indhihiisa ku soo arko xaalada, waxana la filayaa inuu warbixin dib ugu soo celiyo madaxda.

”Kiiniya waxay rabtaa inay isku jabiso Jabuuti iyo Somaliya markii ay ku raacday in weftiga dhexdhexaadintuka socdo Jabuuti ayuu yiri Cali Calasow.


Dadka deegaanka Madheera ee dhinaca Kiiniya ayaa dalbadey in maleeshiyada Kiiniya ay hubeynayso laga saao magaalada. Maleeshiyadan aya hore loo baacsaday waana la ogyahay inayna u babac dhigi karin ciidanka dawlada ee ku hubeysan qotyaha fudud.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.