X

Kiiniya oo sheegtay inay Kismaayo ka xirtey cir dhul iyo badda

Ciidanka Kiiniya ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay inay Kismaayo ka xireen cir dhul iyo badda. Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii garoonka ay ka celiyeen ciidamada Amisom ee Itoobiya ka soo jeeda.



Shalay ayay ahayd markii Kiiniya ay sheegtay in ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u jooga Somaliya ayna raali ka aheen toosna u taageertay Axmed Madoobe taas oo ka dhigan in ciidanka jooga Kismaayo uu yahay mid siyaasadeed.


”Maadaama ay doorasho dhacayso waxaan Kismaayo ka xirney cir dhul iyo badba ayaa lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka Kiiniya. Dawlada Somaliya iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa iyagu sheegay inayna aqoonsanayn doorasho Kiiniya ka qaban qaabinayso Kismaayo beri.

Kismaayo waxay ku jirtaa gacan shisheeye waxana gorgortanku yahay Jubbada hoose ayaan la go’ayaa haddii badda faraha la ii qaadi waayo ayuu yiri falanqeeya Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.