Maxkamad ku taala Kiiniya ayaa sheegtay inay dembi ku heshay laba nin oo Soomaali ah oo ay sheegtay in lagu helay weerarkii Westgate ee argagixisada shabaab ku dishey 67 qof oo aan waxba galabsan sanadii 2013. Labadan ayay maxkamadu sheegtay in ay caawimo gaysteen isla markaana lug buuxda ku lahaayeen qaban qaabada.
Nin sadexaad oo lagu magacaabo Liibaan ayay maxkamadu sheegtay in waxba lagu waayay oo isaga la sii daayay.
Waxay u qabatey in bishan aakhirkeeda la xukumo. Weerarkaas wuxuushnimada ah waxa difaac xoogan ka gaystey Soomaali farabadan oo goobta u shaah tagey. Dadka ka badbaaday waxa ka mid ahaa wiil yar oo Somali ah iyo siyaasi Cali Khaliif.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS