X

Kiiniya oo sheegtay ninkii weeraray guriga madaxweyne ku xigeenka oo Somali ahaa

Kiiniya ayaa sheegtay ninkii weeraray guriga madaxweyne ku xigeenka oo Somali ahaa. Ninkan iyo ciidamada Kiiniya ayaa 19 saacadood isku baacsanayay duleedka guriga madaxweyne ku xigeenka oo gurigiisa ka baxay markaas.

Booliiska ayaa ninkan ku sheegay Maxamed Ibraahim Muxumed oo ka soo jeeda tuulada Dandu oo Koofur galbeed ka ah magaalada Madheera. Waxay kale oo booliisku sheegeen in ninkan meherad ku lahaa magaalada kale ee Eldoret.



Ciidamada khaaska ah ee dalkaasi ayaa ku toogtey meel aan ka fogeyn guriga madaxweyne ku xigeenka Ruto. Booliiska ayaa faro ka qaadey meydka Maxamed oo yaala isbitaalka Moi si ay u xaqiijiyaan in uu dambiyo hore u soo gelay.



Waxay cadeeyeen in uu ahaa KALIGII oo aan cidkale ku wehelin weerarka. Maxamed ayaa diley askari booliisa halka ninkalana uu dhaawacay inkastoo ayna u suuragelin in uu galo guriga Ruto sida booliisku sheegeen.

Muslimiinta dooxada Woqooyiga ee Rift ayaa iyaguna sheegay in ayna waxba ka aqoon ninkan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.