X

Kiiniya oo soo bandhigtey rag ay ku raadjirto magacyadooda iyo shacabka oo looga digey

Nayroobi–Wasaarada arimaha gudaha Kiiniya ayaa soo bandhigtey rag dilaa ah oo ka tirsan argagixisada shabaab oo ay uga digeyso shacabkeeda. Booliska Kenya ayaa sidoo kale soo bandhigey magacyada shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda shabaab ee weerarka ku qaadey xero ciidamada Kiiniya (KDF) ku leeyihiin Lamu kuwasoo kala ah Ahmed Mueller, Ramadhan Kioko loo yaqaano Abu Nuseiba loo yaqaano Pinji, Thomas Evans Anthony loo yaqaano Musa Uk, Lukman Osman Issa oo loo yaqaano Shirwa iyo Said Hemed Abdalla.

Labo ka tirsan kooxdaan, Lukman Osma Issa iyo Said Hemed, oo weerarka ku soo qaadey xeradaan ayaa ciidamada Kiiniya dileen. Xubnahaan ka tirsan argagixisada shabaab kuwasoo magacyadooda la soo bandhigey ayaa waxaa kamid ah Ahmed Mueller (43jir) oo dhalashadiisu tahay wadanka Jarmalka.

Ahmed Mueller oo k tirsan ururka Al-qacida ayaa xogtaan sheegaysaa inuu dhaawac yahay uuna waqtigaan ku dhuumaaleysanayo gudaha wadanka Kiiniya. Mueller oo wadanka Somalia tagey dabaayaqadii sanadka 2011 isagoo 2012 mar isu diyaariyey qarax Ismiidaamin ah balse aan hirgalin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaan jirey saxiibada Axmad Godane.

Ninka labaad ee warbixintiisa la soo bandhigey ayaa ah Ramadhan Kioko oo loo yaqaan Abu Nuseiba ayaa ururka Al-shabaab kamid noqdey 2008 isagoo ka tagey magaalada Nairobi xaafada Majengo. Kioko ayaa 2012 wiilkiisa oo Toban jir ah kexeystey isaga oo dalka Somalia ku guursadey xaas magaceeda la yiraahdo Xaawo.

Xigasho dailynation

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.