X

Xaaladaha cudurka Kooro ee Jigjiga oo sii kordhaya

Wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa sheegtay in cudurka Kooro uu si aayara ugu sii faafayo dalka siiba magaalada Jigjiga oo hadda ay xaqiijeen in 5 qof oo kale uu soo ritey.



”Dadkii laga baaray xanuunka waxa laga helay 5 ka mida ayaa lagu sheegay warbixinta ay bixisay wasaaradu.

Dadkan Cudurka laga helay oo dhamaantood ku sugan magaalada jigjiga ayaa Saddex ka mid ah ay dhawaan ka soo laabteen Magaalada Boosaaso ee maamulka Butlaan iyo qof ka keenay Sacuudiga.



Waa markii labaad oo dad ka tegay maamulka Butlaan ay xanuunka ku sii faafiyaan Jigjiga. Lama garan karo in dadka geeyay magaalada ay yihiin Itoobiyaankii ka tagey Boosaaso xilliga kulaylaha.



Kiisaskan cusub ayaa walaac geliyay dadka magaalada, ayadoo dhaqaatiirtu sheegayaan in xanuunka uu faafin karo qof qaba laakiin aan muujin calaamadaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.