X

Koofur Afrika oo arin geesinimo ah ku kacday

Koofur Afrika ayaa arin geesinimo ah ku kacday ayadoo ka nixisay Maraykanka iyo dabadhilifyada uu wato ee isaga amarkiisa qaata. Hogaamiyaha dalkaasi Koofur Afrika ayaa ka nixiyay madaxweynaha Finlaan oo u yimi dalka inuu Koofur Afrika u sheego inayna ka bixin maxkamad lagu sheegay mida dembiyada caalamiga ah.

Maxkamadan ku taal dalkaasi Holan oo hadda Maraykanku iska maamulo ayaa si sharci daro ah ku sheegtay in la soo qabto madaxweynaha Ruushka taas oo adduunka xorta ah ka cadhoodeen. Koofur Afrika ayaa ka mida dawladaha saxiixay inay fuliyaan amarka maxkamada.

Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa sheegay in xisbigiisu go’aan ka soo saaray ka mid ahaanshaha maxkamad ku sheega dembiyada oo horey u ahayd mid u adeegta reer galbeedka.

Warkan ayaa ka nixiyay Maraykanka iyo weliba madaxweynaha Finlaan ee uu soo direy arintan. ”Waxa muuqata in halkan Maraykanka ay foolxumo ka raacday, wuxuu is lahaa Koofur Afrika ayaa iska joojin shirka wadamada ku bahoobay dhaqaalaha ee loo yaqaan BRIC ay ku yeelan doonaan Koofur Afrika.

”Waa ficil geesinimo oo lagu dhiirado waxa dantaadu ku jirto ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.