X

Kooxaha gaaleynta Muslimiinta oo is-ugaarsi ka bilaabay Puntland

Kooxaha gaaleynta Muslimiinta ee Daacish iyo Shabaab ee Muslimiinta ku dila Koofurta Somaliya ayaa iscun isku bilaabay. Argagixisada weyn ee Daacish ee iyadu dilalka qorsheynsan ka fulisa Puntland iyo Muqdisho ayaa sheegay in ay qaarajeen kuwa ay isku caqiidada yihiin ee shabaab.


Waxay sheegteen in ay xubno ka mida argagixisada Shabaab oo gaaraya 14 ku dileen deeaan u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markay weerareen saldhig ay lahaayeen.

Daacish ayaa warkeeda ku sheegtay in ay ka hortageen weerar argagixisada ay walaalaha yihiin ee shabaab ku soo qaadayeen iyaga.


Waxa baryahan sii kordhey is-ugaarsiga cadowga koowaad ee Somalidu leedahay oo xasuuqey in ka badan 2000 oo qof mudadii u dhaxaysay 2006 ilaa 2018.

”Waxa sii socon doona iscunka labadaan kooxood ee gaalaynta Muslimiinta ayuu yiri khabiir ku takhasusey sida ay u dhaqmaan labadaan kooxood.


Warkan ayaa imaanaya ayadoo Puntland sheegtay inay qabatey xubno ka tirsan labadaan urur oo ka dambeeyay xasuuqyo ka fhacay Boosaaso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.