X

Kooxda madasha musharixiinta oo weeraray safiirka Turkiga hambalyana u direy kooxda beesha caalamka

Kooxda madasha musharixiinta ee ka baqaya doorashada soo socota ayaa weeraray safiirka dalka TURKIGA oo shalay safaaradiisa kula kulmey gudoomiyaha guddiga doorashada ee isagu aan waxba dooranayn laakiin korjooge keliya ka ah.


Kooxda oo lacag dheeraada haysata ayaa ku shirta huteel jasiira oo ku yaal Muqdisho oo ayna geli karin dadka masaakiinta awoodina karin, ayaa sheegay in safiirka Turkigu la kulmey gudoomiyaha doorashada taasina waafaqsanayn qoraalka kooxda sheegata beesha caalamka.

Waa markii labaad ee kooxda madasha musharixiinta ay eedeeyaan Turkiga ayagoo mar sii horeysana soo saaray qoraal ay ku diidan yihiin hub ay sheegeen in Turkigu keenay dalka.


Hubka Turkigu dalka soo geliyo ayaa ah mid sharciya isla markaana loogu talogalay in lagu difaaco qaranka, waxase muuqata in kooxdani taas ka soo horjeedo.

Waxay dhinaca kale bogaadiyeen qoraal ka soo baxay kooxda sheegata beesha caalamka oo ujeedadiisu ahayd in la sii qaso dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.