X

Kooxda Real Madrib oo ku guulaysatey horyaalka naadiyada reer Yurub: SAWIRO

Kooxda Real Madrib oo caawa la ciyaaraysay kooxda ay jaarka yihiin ee Atletico Madrib ee dalkaasi Spain ayaa magaalada Milan ee dalkaasi Talyaaniga ku garaacadey rigooreyaal kadib markii lays mari waayay.

Real Madrib oo uu hogaamiyo ciyaaryahanka weyn ee Zidane ayaa muujisey ciyaar wanaag inkastoo ay ka jajabneyd oo keentay in laysku dul daalo aakhirkiina rigooreyal ama gool ku laad lagu kala baxo.

Real Madrib ayaa markii kow iyo tobnaad la boqrey koobka naadiyada reer Yurub waana kooxdii ugu badneyd ee intaas jeer qaada. Ciyaaryahan Ronaldo oo u dhashay Portugal ayaa u dhaliyay goolka ay qaatey Real koobka.

Zidane ayaa noqdey tababarihii ugu horeeyay ee isla sanadkaba guul u keena Real.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.