X

Kooxda Xalane oo Xasan Culusow amartey inuu dib u soo celiyo

Ciidanka Qaranka

Kooxda dhiigmiiratada ee Xalane fadhida ayaa amartey Xasan Culusow inuu dib u soo celiyo ciidanka xooga dalka ee fadhiya xad beeneedka Somaliya iyo Kiiniya. Amarkan ayuu Xasan Culusow balan qaaday inuu fuliyo.



Ujeedada ciidankaan loo soo qaadayo ayaa lagu sheegay inuu Kiiniya halis ku yahay inkastoo aanu haysan awoodii ciidan ee lagu yaqaanay laakiin Kiiniya u aragto inuu ka hortaagan yahay cadaadiskii iyo cabudhintii ay ku haysay dadka gobolka.

Dadka gobolka Gedo oo soo jeeda ayaa ku fahmay hagar daamada Xasan Culusow uu damacsan yahay, asagoo raba inuu u adeego kooxda Xalane ee keensaday dalka.



”Ciidankaan waa qabtey hawshii loogu talogalay ayadoo dadka deegaanku ay dareemeen nabadgelyo buuxda ayuu yiri Muxumed Xirsi oo degan Baladxaawo. Ma arko sabab loo qaado aan ahayn inuu cadowga loo adeegayo.

”Xasan Culusow halkii uu Kiiniya ka saari lahaa dalka ayuu ciidankii amniga sugayay rabaa inuu soo celiyo ayuu raaciyay Muxumed Xirsi.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.