X

Kooxda xidigaha geeska Hargeysa o markale tuurtey gudoomiyahooda

Kooxda xidigaha geeska Hargeysa ayaa markale tuurtey gudoomiyahooda Laabsaalax si gacan taagana u dooratey isla xubin ka mida. Laabsaalax ayaa lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan.

War saxaafadeed at soo saareen ayaa sidan u qornaa

Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( laab saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.

Islamarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)
ALLAA Mahad Leh
Gudida fulinta kooxda xidigaha geeska

admin:

This website uses cookies.