Kooxo hubeysan ayaa waxa ay ku dagaalameen Tuulada Boolo-Xaashi oo Qayaastii 2 km u jirta deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka ay gubeen Guryo ku yaallay Tuulada Weerarka uu ka dhacay ee Boolo-Xooshi.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 5 qof oo dadka deegaanka ka mid ahaa.
Waxaana sidoo kale La sheegayaa in Maleeshiyaadka tuulada weeraray in ay qafaasheen dad shacab ah oo halkaas ku dhaqnaa kuwaas oo aan la garaneen halka ay la aadeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS