X

Kor Xaadin aan ku Sameeyay Sannadkii Huleelay Inta Hiil Hooba La Garab Taagnayd Dadkooda Dalkooda iyo Diintooda

Dhamaan waxan salaamayaa Ummada Muslimiinta ah ,Dadyawga Soomaaliyeed ee ku kala Sugan daafaha Dunida ,Qaranka Somaliland iyo ugu dambayn waxan si gaara u Salaamayaa inta aan isku Damiirka nahay guud ahaan waxan ku salaamayaa salaanta ugu qaalinsan Adduunka kan —ASALAAMU CALAYKUMA WARAXMA TULLAAHI TACAALAA WABARAKAATUHU —


*****Inta aanan u jeedada Qoraalkan Qalin misana ku qotomin meesha u Qoondaysan amaba uu daaranyahay waxoogaa in yar oo hordhaca ama Hogatusaalayn aan Iidaan uga dhigno waayo Raashin bilaa iidaan ama si kale haddii aan u dhigo bilaa Milix dhuun Qof kama Dego iyada oo ayna Duruufi jirto mooyaane Qoraal ama Hadalna bilaa Hordhac in lagu soo Hirto Akhriskiisa way Heetisaa ama wayba Dhutisaaba .



***** Waxan ka wada Dheragsanahay Adduunkan Korkiisa wax walba oo yaala Noole ama ma Noole xikmad Rabbi Cassa Wajalla ayuu ku yimi wixii kasoo hadhaa waa Dad samee Danta ku jirtaa aanay sii Durugsanayn

+++Waxa hadaba aad u Muhiima waxa Adduunka kan ugu Qaalisan ee Allah SWT Abuuray waxa ugu Sharafta badan uguna Muhiimsan waa Banii aadamka Haddii sidii Allah SWT ugu talo galay wax walba oo Adduunkan korkiisa ka Dhacaya loo Maareeyo waxan ka wada Dheragsanahay in Umadda Qarniga kani nooli ay Tanaadayso ama ay Horu marayso .

Qof nool oo Adduunkan Allah dul Dhigay marka aad tahay waa inaad Noqotaa Qof ugu Horayn Qofnidamiisa Horu marin kara Marka xigta Qoyskaada, Qawmiyada aad ka dhalatay Qarankaada ugu danbayn Qaaradaada Marka aan intaa la isla fahmo waxa Maxsuulka kasoo baxa lagu Micnayn karaa Guul oo waliba Guuli kala Xulane waxa lagu Magac Dhabi karaa (GUULO WAX KU OOL AH ama GUULO LA TAABAN KARO )



*****Waxba yaanan Gaaf wareegine Haddii aan Gundo dego Gundhiga Qoraalka kan waxan Gol leeyahay waxa jiray Sannadii ina Sagootiday waxa jiray Dad wax badan ka Qabtay Horu marna ka Sameeyay Nafahooda taa oo kaliya maahee Muhiimada uu Qoraalka kani Daaranahay ay tahay Dadkana intay wax la Qaban Karayeena si Qalbiyaysan ugu hagar baxay inay wax la qabtaan Dadkaas oo isugu jiray Qolqol joog iyo Qurbo joog haba loo kala Badnaadee .

***** Aniga oo soo koobi doona sida Ciwaanka ka muuqatana aan ugu Magac daray (KOR XAADIN) Weedhani waxay ka turjumaysaa in wax yar oo kooban aan ka Tilmaamayo Dadka kan ee aanan qof walba wax Qabadkiisa mid naf ahaaneed iyo mid Bulshaba aana Tooshka si fican ugu Ifin doonin

=======Waxan soo Qaadanaynaa Saddex waxyaabood oo mid walba Waxoogaa ka taataaban doono .

A. Qoraayadii Caqligooda iyo cilmigooda lagu soo bandhigay Carwo Buugaaneedka Dalwaynaha Masar magaalo madaxdiisa Qaahira .



B. Ciyaartoydii Gobolka Awdal usoo Hooyay guusha yaase mar walba Hiil iyo Hoo la garab taagan misana Dhiiri galiya gaar ahaan xagga Qurbaha marka ay noqoto.

C.Ururka Daryeel oo ah Urur Khayriya isla mar ahaataana Saacida ama Taakuleeya Dadka Tabaalaysan oo aan inyar ka Xusno .

A. Waxa xusid Mudan Sannadii aan Sagootinay ee 2016 in Dhalinyar aad u Cuddooni Caqligooda ay Tuujiyeen ay soo Bandhigeen Hibooyinka iyo hal abuurka ALLAH SWT ku galladay taas oo gaadhay Heer Caalami oo lagu soo Bandhigay Buugaagta ay Qoreen Dhalinyaradani Bandhig Buugaaneedka ugu Wayn Qaarada Africa iyo Wadamada Carabta kaas oo ku yaala Masar Magaalo madaxdiisa Qaahira laguna Magacaabo

(CAIRO INTERNATIONAL BOOK FAIR ) Bandhigan oo muddo bil ah socday isla mar ahaataana Madax heer qarani kasoo qayb gashay lagana xusi karo Raysal wasaaraha Dalka Masar .



***** Mar walba waxa lama Huraan ah Dadkii Hawsha tan Curiyay kuwii ka qayb Qaatay iyo kuwa Maskaxdooda ka keenay Dhamaantoodba .

… Waxa Xusid mudan in Fekerkan ama Taladan ay lahayd Marwo Hodan Maxamed Nuur oo Degan Cariga Ingiriiska mar walbana la Garab taagan Dadkeeda, Dalkeeda iyo Diinteedaba inay Horu maraan .

… Marka xigta waxa in la Tilmaamo ah Shaqsigii hawsha tan ka Hagayay ama ka Hirgaliyay Dalwaynaha Masar misana Dhaxda u xidhay inay Midho dhasho Hawsha tani oo ah Sir C/xakiim Maxamed Jaamac (Amare) oo ahaa Qofka in badan kasoo Shaqeeyay Hawshan lana odhan karo waxa uu ahaa Mashiinka Hagayay ee la,aantii Hir gasheen in Dhalinyar Buug ay Qortay lagu soo Bandhigo Carwo Buugaaneed Heer Caalimiya .

Waxa lagama Maarmaan ah in la Xuso Dadkii qoray Buugaagtan

1.Qoraa:Xasan Nuux Suldaan .

2.Abwaan:Mustafe Dhimbiil.

3.Abwaan :Farxaan Maxamud Shirdon .

4.Abwaan:Maxamed Saalax Maare .

5.Qoraa:Axmed Sky.

6.Qoraa:Fadxiya Askar.

7.Qoraa:Marwo Xaamud.

8.Qoraa :Sacaada.

9.Qoraa: Shucayb C/raxmaan .

10.Qoraa:C/fatax Mire .

B. Ciyaartoydii Gobolka Awdal usoo hooyay Guusha yaase Mar walba Hiil iyo Hoo la Garab Taagan misana Dhiiri Galiya Gaar ahaan xagga Qurbaha marka ay noqoto.



…Waxan wada Ognahay Muddo ku Dhaw Rubuc qarni waa markii ugu Horaysay ee Dhalinta Gobolka Awdal ay soo ku Guulaystaan Koobka Kubada Cagta marwalba waxa Muhiimada leh inaga oo ka wada Dheragsan inay Cayaartoy ay Wakhtigooda u Huray inay Gobolkooda soo saaraan misana Guusha Gacanta u Galiyaan hadana Dadbaa Daaha Dabadiisa ka haga oo Hiil iyo Hooba la Garab taagan.

… Dadkaas oo ay ugu Horayso Marwo Hodan Maxamed Nuur oo mar Labaad ku Dhiiratay sida ay usoo Saari lahayd Xagga Cayaaraha Gobolka ee ay meel uga soo Ifin lahayd ama uga soo iftiimin lahayd waxa Xusid mudan inay si Gaara u maal galin jirtay Kooxdii la odhan Jiray (XIDIGIGAHA BORAMA ) maantana ah (XIDIGAHA AWDAL)

Xidigaha Awdal oo ah kuwii Reer Borama ama Reer Awdal Gacanta Guusha usoo Galiyay marka la isku wada Geeyo Dhamaan Dadka Qurbaha ku Nool ee Taageera Ciyaaraha Gobolka runta lagama Masuugee Haddii aan la is Xaqirahayn waxan Odhan karaa waxa ugu Mudan Marwo hodan Maxamed Nuur Faahiye

Iyada oo Aragtideeda ku Cabiraysa qaab Suugaaneed Guushii Xidiga Awdal Gaadheen Marwo Hodan waxa ka mid ahaa :

////Koox weeyi Kaligood .

//// Kalsooni Buuxda Haysatoo.

////Tababare ku Filan iyo .

////Gudoomiye Kabaayoo.

////Kolna aanan Liicayn .

////Waa Xidigo Kaahloo.

//// Kun Jeer la Holin Waayay.

C.Ururka Daryeel oo ah Urur Khayriya isla mar ahaataana Saacida ama Taakuleeya Dadka Tabaalaysan oo aan inyar ka Xusno

Ururka Daryeel waa Urur ay ku Midaysanyihiin inta Dadkooda Taabalaysan inay wax Taraan Jecel isaga oo ,Muddo kooban jira wuxuu ku Talaabsaday Guulo la Taaban karo oo wax ku ool ah Iyada oo Dadka u Adeegaya Ururkaasi ayna u Samayn ama u Abuurin inay Dheef ka Helaan laakiin taa Caksigeeda oo ah inay iyagu Galiyaan Wakhtigooda iyo Maalkooda taas oo ay Kaliya uga gol leeyihiin inay Allah swt ugu Dhawaadaan



Waxan kula talin lahaa Ururada kale ee Khayriga ah inay ku Daydaan Ururka daryeel Qaab Shaqeedkiisana uu u Shaqaynayana kaga Daydaan

Fiiro Gaar ah :Dadka Qoraayada ah ama Dadka aan kor kusoo Xusay Magacdooda oo Dhamaystiran iyo Buugta ay Qoreen Magacoodii inaan xuso sax ayay ahayd Raali galin baan ka Bixinayaa.

Kaliya Qoraalkani waxa u Daaranyahay Qofkeena Horumariya Naftiisa iyo ta Dadkiisaba in la Dhiiri galiyo wax kale oo ku Xadfan ayna jirin

Feker ii Gaara ayna ila Noqotay Dadkii wax Sameeyay intii Awoodaada ku Dhiiri gali Aniga oo og inay Qoraalkan Kooban ee aan ka Sameeyay sida Ciwaanka kor ku xusan Haddii 100 Meelood loo Qaybiyo ayna meel ahaan ahayn Sannadkii tagay wixii Dhalintaa u Qabsoomay hadana waxan is odhan karaa kolay Iba fur way u noqon kartaa

Dhamaad

wabillaahi Tawfiq .

Xoghaye /Afhayeen:Maxamed maxamud Shirdon

admin:

This website uses cookies.