Ciidamo Hubaysan oo ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caare ayaa xalay weeraray saldhigga Ciidanka Booliska maamulka Somalilaan ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.
Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay dhinacyadii dagaalamay.
Dadka degaanka ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas culus oo ka dhaceysa aaga saldhiga Booliska degmada, iyagoo intaas ku daray iney cabsi iyo argagax dareemayeen.
Sida ay wararku sheegayaan ciidnka Kornayl Caarre ayaa weerarka kadib dib ugu laabtey halkii ay markii hore ka soo duuleen oo ahayd duleedka magaalada Ceerigaabo.
Afhayeen u hadley Muuse Biixi ayaa sheegay inay ku daba jiraan dadkii weerarka soo qaaday sida uu hadalka u dhigey mana qiran qasaaraha ka dhashay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS