Wararkii u dambeeyay ee aan ka helayno gobolka Sanaag qaybta soke ayaa sheegaya in jeneraal Caare dagaal ku qaaday ciidan ku sugan halkaa laakiin iska beelaysan. Waxa dhimashadu maraysaa ilaa 3 qof halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.
Dagaalka ayaa sigaar ah waxaa uu uga socdaa deegaanada Dhoob iyo Biya gaduud oo 30-km u jirta magaalada Ceerigaabo halkaas oo Korneylku weeraray.
Dagaalka Caare ka sokow waxa kale oo Sanaag isku cunaya laba maleeshiyo beeleed oo iyagu muddo isku cunaayay deegaano hoostaga Ceel-Afweyn halkaas oo ay isku haystaan biyaha iyo daaqsinta.
Maamulka Muuse Biixi oo dhinac la safan ayaa sii murgiyay xaalada. Ma Jiro wax wara oo maamulku ka soo saaray dagaalka Korneyl Caare.
Banaanbax ka dhacay Ceerigaabo
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay taayaro ku gubeen qeybo ka mid ah wadooyinka mara Magaalada Ceerigaabo, iyaga oo wadooyinka qaar xiray, isla markaana u diiday inay Gaadiidka isticmaalaan, waxaana la sheegay inay ka xun yihiin dagaalkaas.
Xaalada magaalada ayaa degan mana jiraan qulqulatooyin kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS