X

Kulankii u dhexeeyay raiisal wasaaraha iyo maamulada Puntland iyo Jubba oo lagu kala kacay maxaa laysku hayaa

Garoowe–Raiisal wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid ayaa ku sugan Garoowe halkaas oo uu dood kula jiro maamulada Puntland iyo Jubba oo iyagu sheegay in ay xiriirkii u jareen dawlada dhexe inkastoo ay ogolyihiin raiisal wasaaraha oo hogaamiye dawlada dhexe. Kulankii u dambeeyay ayaa lagu kala kacay kadib soo jeedinmo uu soo jeediyay raiisal wasaare Cumar C/rashiid oo ay diideen Gaas iyo Axmed Madoobe.

Arimaha uu soo jeediyay Cumar C/rashiid ee ay diideen Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa waxa jirta qodobada soo socda oo sadexa.

1-Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Jubbaland iyo Puntland ka codsaday inay aqoonsadaan maamulka Galmudug ee laga dhisay Cadaado kaasi oo Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay inuu ka kooban yahay Hal Gobol iyo Bar.

Jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha,waxaana ay sheegen inaysan sinaba u aqoonsanayn maamul ka kooban hal Gobol iyo Bar oo hareermarsan Dastuurka Soomaaliya,waxaana ay si wada jir ah u sheegen in maamulada dhismaya ee hoos imanaya Dawlada Federaalka ay noqdaan kuwo waafaqsan Dastuurka ay ku heshiyeen Ummadda Soomaaliyeed.

2-Ra’iisul Wasaare Sharmaarke wuxuu ka codsaday Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay aqoonsadaan Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Federaalka,arrintaas oo Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen inay tahay mid aan u cuntamayn,waxayna si wada jir ah u sheegen inaan Guddiyadaas lagala tashan oo aysan aqoonsanayn.

3-Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo ka codsaday Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay kaso qayb galaan shirka ay Iclaamisay Qaramada Midoobay ee 29/7/2015-ka lagu waday inuu ka dhaco Muqdisho.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in Puntland iyo Jubbaland aysan tagayn shirka oo aysan miis la fariisaneyn Madaxda Federaalka,isla markaana aysan ka tanaasulayn wixii ay Xaq u leeyihiin.

Kulanka ayaa dib loo dhigtey taas oo la filayo in maanta ay soo saaraan go’aano waxana raiisal wasaaruhu siiyay xog hoose oo ay ku dagaalami karaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.