Laba arimood ayaa Puntland u sahlay in ay cadowga KALIYA ee Somalidu leedahay ee argagixisada shabaab ka guulaysato. Waa ta hore: Argagixisadu waxay jeceshahay meel ay gabaad ka dhigato sida GURYAHA dadka ay ka qixiso oo ay dhufuys ahaan u isticmaasho.
Taas ma jirin Puntland waayo goobaha ay soo gashay waxay ahaayeen tuulooyin guryuhu yar yihiin dadkuna yaryahay dhulkuna inta badan aan ka dhicin saxare maadaama dhirtii marhore lagu kala tagey.
Taas waxay keentay markii la soo weeraray in ay raadsadeen markiiba meel ay isku qariyaan maadaama ayna u babac dhigi karayn hubka lagu soo ridayo ayna la ordayeen AK47 iyo boobe.
Waxaanan daawanay iyagoo dooxyada isku gurey , waxayse taasi ku keentay in raashinkiina ku yaraado ayna waayaan hurdo ku filan dhulkuna mugdi ku noqdey kadibna intii halkaa gashay oo u badnayd caruur lagu soo qabto NOLOL.
Dagaalada lagula jiro argagixisada aduunka oo ay ku jirto shabaab oo iskuwada caqiido ah waxa daahiya AMA dheereeya waa kolba halka ay ku galaan oo inta badan noqota magaalo dhexdii oo leh guryo badan oo kolba guri ay isaga gudbaan. Taas oo dheeraysa dagaalada siina kordhisa dhibaatada dadka muslimiinta ee ay guryahooda ka qixiyeen sida Siiriya (sawirka hoose) iyo Muqdisho sanadihii Sheekh Shariif fadhiid.
Tan labaad waxa guusha u keenay Puntland iyadoo Somali oo dhan ka heshay taageero inkastoo mar sheekada lagu xumeeyay Candiwelli Gaas uuna ku xumeeyay wasiirkiisa amniga oo weerarka argagixisada u weeciyay arin Puntland u khaasa oo ah 4.5 oo Puntland dareensan tahay in ayna kuraas badan ku helayn.
Waxyar kadib waxa hub iyo saanad soo dirtey dawlada fadhiidka ee Muqdisho hubkaas oo Imaaraadku soo dhiibey, waxa kale oo jirey hub kale oo iyadna ka yimi Itoobiya oo deg deg ahaa maadaama argagixisadu tahay cadowga guud ee gobolka.
Waxase niyada argagixisada jabiyay isku duubnaanta reer Puntland oo niyad dheeraada siisay ciidankeeda aan sidaa u badnayn laakiin la yimi karti dheeraada.
Tani kama dhacayso gobolada jiqda ah ee Jubada dhexe halkaas oo argagixisadu ka helayso gabaadyo badan iyo dadka deegaanadaa oo tabanaya cadaalad xumo.
Maxaan ka baran karnaa dagaalkii Puntland: waxaan oran karaa ma jirto wax buuran oo laga baran karo aan ka ahayn in Somalidu fahantey in isku duubnidu diciifiso cadowgeeda waayo argagixisada waxa laga adkaan karaa marka uu jiro ciidan qaran oo nidaam leh iyo nidaam cadli ah oo ka difaaca dalka.
Sida hadda wax loo wado iyadoo timirtii horeba dab loo waayay ma keeni karto dawlad dalka hanata waxayse keenaysaa jufooyin is mooday dawlado yaryar oo hantidii ummada ku takrifala, waana waxa ay jecelyihiin argagixisadu.
Warbixintii C/llaahi Warmooge madaxa wararka Koofurta Somaliya ee ARAABINEWS.
Haddii aad fikir ka qabto maqaalkan noogu soo dir jawaabta cinwaanka araabimedia@gmail.com waxa balana in aan soo daabacno.