X

Laba caruura oo badda Muqdisho soo tuftey oo argagax ku ridey dadka: SAWIRO

Waxay Ahaayeen Labo wiil oo da’dooda 10 jir ka badneyn kuwaasi oo Meydkooda ay Badda Soo Caarisey Meel ku dhaw Xeebta Hoteelka Curubo Ee Magaalada Muqdisho.

Meydka Labadaasi Carruurta ah ayaa lagu hagoogay Cimaamado dadka ay u bixiyeen maadaama ay wax dhar ah wadan markii Meydkooda la helay.

Mas’uuliyiin Katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta gaaray waxay soo bandhigeen Carruurta Meydkooda la helay oo ehelkooda weli aan la ogeyn baraha Bulshadana ay ku faafiyeen si dadkooda u arkaan.

Carruurta Badda Keligood Aada Si ay U soo dabaashaan ayaa laga digay Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha si ay Badda ugu dhibaatoobin oo Waalidkoodna ay kasoo dhuntaan Xilliga ay Badda Aadayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.