Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dawlada Somalia uu isku soo dhiibay Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab. Horjoogahani oo ka mid ahaa kuwa sida ba’an looga baadi goobijiray dalka gaar ahaan Gobolka Gedo ayaa xiriir la sameeyay Saraakiisha Ciidamada Dawlada oo markii danbe isku dhiibay Ciidamada.
Horjoogahaani ayaa waxaa lagu magacaaba Ciise Cabdi Xersi oo loo yaqaan ”Ilkacase” wuxuuna ka mid ahaa Horjoogayaasha Maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka Sakawaadka, waxa uuna sheegay inuu ka ururin jiray Degmada Baardheere.
Horjoogaha labaad ayaa lagu magacaaba Bakistaani wuxuuna iska soo dhiibey gobolka Bakool iskuna dhiibey ciidamada dawlada ee ay dilaan.
Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Horjoogayaashani uu ka mid ahaayeen Saraakiisha ay sida ba’an u baadi goobayeen Dawladaha Itoobiya iyo Kiiniya.
Horjooge Ciise Cabdi Xirsi ayaa xiliga uu soo goosanaayay uu watay qori Ak-47 ah iyo Boosh ay ku jiraan qasnado rasaas ah.
Ciise Cabdi Xersi ayaa noqonaaya Horjoogihii ugu horeeyay oo iska soo dhiibay Degmada Baardheere, waxa ayna Saraakiishu sheegeysaa inuu hordhac u noqon doono kuwo kale oo isa soo dhiibi doona.
Lama oga sida laga yeeli doono Horjoogahani waxaana suuragal ah in loo gacan galiyo Dowladaha Itoobiya iyo Kiiniya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM