X

Laba tareen oo afka isku dhiftey dalkaasi Masar iyo khasaare badan oo jira

Laba tareen ayaa isku dhacay dalkaasi Masar waxana jira khasaare balaadhan oo ka dhacay shilkaas loo malaynayo inuu sababay dhinaca farsamada kala leexinta. Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhintey inta hadda la xaqiijay.


Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Soxaag waxana goobta gaadhay 32 gawaadhida gurmadka si ay meydka iyo dhaawaca u geeyaan isbitaalada. Dhaawaca ayaa maraya 84 qof. Lama oga tirada guud ee saarnaa labada tareen.


Masar ayaa dhawaan Ruushka ka soo iibsatey tareeno cusub, ayadoo kuwa hadda ay haysataa ay yihiin kuwo duugoobey, ayadoo dhinaca kale laga deyrinayo birta tareenku maro oo in muddo ah aan la dayactirin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.