X

Laba wasiir oo ka tirsan maamulka Somaliland oo loo kala garqaadayo

Laba wasiir oo ka tirsan maamulka Somaliland oo loo kala garqaadayo. Wasiir C/llaahi Dheere oo ah waxbarashada iyo wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska.

Khilaafkooda ayaa salka ku haya ka dib markii Dugsi uu leeyahay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Khadar Yuusuf uu Wasiirka Waxbarashaddu ka joojiyay in ay arday waxbaranayay sifo sharci daro ah laga joojo waxbarashadda taasina ay keentay in laysku awood sheegto oo ilaa madaxtooyadda la isla gaadho.



Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda waxbarshadda iyo tacliinta sarre ay mamnuucday in ay dugsiyadda dalkan wax ka bartaan arday gaadhaysa laba boqol iyo toban ka dib markii Dugsiyadda Aljasiira iyo Maxamuud Axmed Cali lagu helay ardaydaas oo dhiganaya fasalo aanay u gudbin.



Maamulka Somaliland Ayaan jirin madaxweyne qaata go’aan adag waxana inta badan xaliya Maxamuud Xaashi iyo Aamina Weris.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.