Horaantii sagaashanaadkii kadib burburkii ku dhacay dalkii xooga weynaa ee Midowgii Soofiyeeti waxa dagaal aan sidaa u weyni ku dhexmaray gobolka Muslimiintu u badan yihiin ee Jejniya iyo ciidankii Ruushka.
Waxa gobolka siiba caasimada Grosni qabsaday kooxo hadda la ogaadey in ay yihiin argagixiso oo rabey in ay Ruushka ka go’aan..waxana weerar ku soo qaaday ciidanka Ruushka waase lagu jabiyay dagaalkaas.
Sababta loo jabiyay ayaana ahayd maaheyn in laga awood weyn batey waxayse ahayd qalalaase siyaasadeed oo ka jirey Ruushka oo dhan iyo ciidanka oo aad u niyad jabsanaa.
Waxase batey faanka argagixisada iyo gobolkii oo noqdey gobol argagixisada ka yimaada Afgaanistan, Carabaha iyo Bakistaan ay hoy ka dhigtaan ay ka weeraraan Ruushka iyo gobolada kale ee Muslimka ah ee ka mida Ruushka.
Weerar rogaal Celina oo Ruushku ku soo qaaday caasimada Jejniya iyo argagixisadii ku jirtey ayaa keenay in guri kasta oo ay galaan oo qori ka soo ridaan lagu dumiyo.
Ruushka ayaa gebi ahaanba burburiyay goobihii argagixisadu ku dhuuman jirtey waxayna markii dambe dileen madaxweynaha hadda aabihii oo wadey ama hogaaminayay kooxihii argagixisada ahaa ee gabaad ka dhigtey hantida dadweynaha iyagoo diin sheeganaya.
Sawirada hore waa markii caasimada dhulka lala simey iyo kuwa dambe oo ah sida hadda gobolka iyo caasimadu tahay iyo waliba masjid weyn oo dawlada gobolku ka dhistey bartamaha magaalada.
HADANA sawirada sida ay tahay caasimada Jejniya ee Grosni. waxaanad is waydiin kartaa halkey mareen kuwii beenta loogu sheegay gobol gooniya ayaa ahaan doontaan Ruushka waad qabsan kartaan. Maxayse u qabteen dadka kor aad ku arkeysaan in ay rafaadeen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS