X

Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrib oo caawa isku dhegan aadna loo sugayo maxaa u dambeeyay

Madrib–Ciyaarta caawa aad loo sugayo ayaa waxay dhexmari doontaa labad kooxood ee Barcelona iyo Real Madrib oo ka mida kooxaha ugu waaweyn naadfiyada Yurub. Labadan kooxood ayaa aad isugu dhow dhibco ahaan ciyaarta caawana waxa wax badan laga ogaan karaa halka uu u leexanayo koobta naadiyada Spain.

Barcelona oo hogaanka ku heysa hal dhibic ayaa waxay garoonkeeda Camp Nou ku marti gelin doonta kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Marka laga soo tago xiisada iyo xamaasada uu leeyahay kulankan waxaa isha lagu heyn doonaa xidigaha uu ka dhaxeeyo loolanka kubadeed ee labada kooxood u ciyaara, laguna tilmaamo xidigaha ugu wanaagsan dunida.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ahaa labada xidig ee lixdii sano ee u dambeysay loolanka uu ka dhaxeeyay tartanka Ballon D’or ayaa labadaba si gaar ah isha loogu hayaa xirfadooda kubadeed ee ay caawa soo bandhigi doonaan, inkastoo Ronaldo uu waxoogaa dib u dhac badan uu ku yimid todobaadyadii u dambeeyay.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.