X

Labo ka mida kooxdii shabaab ee weerartay xarunta Shariif Xasan oo gacanta lagu dhigey+warar kale oo qarsoon

Baydhabo–Labo ka nida argagixisada shabaab ee weerartay xarunta Shariif Xasan ayaa gacanta lagu dhigey iyadoo wararku sheegay in bar kontorool oo ku taalay magaalada lagu joojiyay gaadhi laga shikiyay ninkiina laga dejiyay intii suaalaha la waydiinayayna uu gaarigii qarxay.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa degan oo caadiya kadib weerarkii barqadii ee ilaalada Shariif Xasan dhulka dhigeen dhalintii shabaab ka tirsanayd ee janada beenta loogu sheegay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaaya tirada raggii weeraray Madaxtooyada Baydhabo laakiin inta badan wararku waxay sheegayan in 10 ilaa 20 ay tiradoodu u dhaxeysay kuwa weerarka soo qaaday. Warar kalana waxay sheegayan in sideed nin oo keliya ay ahayd.

Meydadka tiro ka mid ah argagixisada Shabaab oo ismiidaamisay ayaa waxay weli yaallaan banaanada hore ee Madaxtooyada ka dib markii laga horjoogsaday inay gudaha u galaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.