X

Lacag shan kun ah oo la siiyay dadkii soo sheegay argagixis Xasan Fanax

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa wuxuu  sheegay in xog uu helay Maamulka Gobolka Banaadir, ay suurta-gelisay in gacanta lagu soo dhigo Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Fanax).

“Maamulka Gobolka Banaadir oo xog ka helay halka uu ku sugan yahay Xasan Fanax, ayaa sababtay in gacanta lagu soo dhigo. Si nabdoon ayaana gacanta loogu soo dhigay ninkaasi, ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay lacago ku raadineysay Sarkaalka ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, loona ballanqaaday in la siinaayo dadkii xog ka keena.

“Ninkan abaalmarin lacageed ayay Dowladda Somaliya duldhigtay in la siin doono cidii keenta macluumaad lagu soo qaban karay ninkaasi.” Ayuu yiri C/fataax Cumar Xalane.

Xalane, ayaa yiri “Shan kun oo dollar ayaa la siinayaa dadkii suurta-geliyay soo qabashada Xasan Fanax. Dowladda Somaliya kama been sheegto ballanqaadyada ay u samayso shacabkeeda.”

Xalane, ayaa cadeeyay in Maxkamad la horkeeni doono Xasan Fanax, isagoo ku eedeeyay inuu hormuud ka ahaa weeraro lagu dilay dad Somaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.