X

Lacago intee leeg ayay kala heleen xulalkii ka qaybgalay koobkii Yurub

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee loo soo gaabiyo (UEFA) ayaa shaaciyay lacagaha ay heleen xulalkii dalalka Yurub ee ka qeyb galay tartankii 2016 oo ku guulaysatey xulka Bortoqiiska.

Xulka Bortaqiiska oo koobka qaatay wuxuu helay lacag dhan 25.5 Milyan oo lacagta yurub ee loo yaqaan Euro ah, waxaa sidoo kale xulka Faransiiska oo kaalinta labaad galay wuxuu isna helay 23.5 Milyan oo Euro.

Dhammaan xulalka 24-ka ah ee ka qeyb galay tartanka 2016 wuxuu mid kasta helayay lacago abaal marin ah, waxaana lacagahaasi oo tartan waliba lagu guuleysanayay ay kala ahaayeen sidatan:

Xulka kasta oo tartanka ka qeyb galay waxaa la siiyay 8 Milyan Doolar, xul kasta oo ciyaar ku guuleysta waxaa la siiyay 1 Milyan oo Euro, xul kasta oo barbarro keena wuxuu isna helay Nus Milyan Euro.

Xul kasta oo soo gaaray wareega 16-ka waxaa la siiyay 1.5 Milyan oo Euro, xul kasta oo soo gaaray wareega 8-da wuxuu helay lacag dhan 25. Milyan oo Euro iyo lacag dhan 4 Milyar Euro oo la siiyay 4 tii xul ee isu soo haray.

Xulka Koobka qaaday ayaa isna la siiyay lacag dhan 8 Milyan Euro, halka kaalinta labaad uu helay 5 Milyan, waxaan marka lacagtaas la isku daro ay Bortaqiiska heshay 25.5 Milyan oo Euro, laakiin waxay 1.5 Milyan oo Euro ku weyday barbarihii ay gashay saddex ciyaar ee wareegii koowaad.

Liiska sida lacagaha u heleen xulalka

1- Bortoqiiska 25.5 Milyan Euro
2- Faransiiska 23.5 Milyan Euro
3- Jarmalka 18.5 Milyan Euro
4- Wales 18 Milyan Euro
5- Poland 14.5 Milyan Euro
6- Iceland 14 Milyan Euro
7- Talyaniga 14 Milyan Euro
8- Beljam 14 Milyan Euro
9- Croatia 12 Milyan Euro
10- Switzerland 11.5 Milyan Euro
11- Ingiriiska 11.5 Milyan Euro
12- Isbayn 11.5 Milyan Euro
13- Hungry 11.5 Milyan Euro
14- Slovakia 11 Milyan Euro
15- Ireland 11 Milyan Euro
16- N. Ireland 10.5 Milyan Euro
17- Albania 9 Milyan Euro
18- Turkey 9 Milyan Euro
19- Romaniya 8.5 Milyan Euro
20- Ruushka 8.5 Milyan Euro
21- Czekh 8.5 Milyan Euro
22- Sweden 8.5 Milyan Euro
23- Austria 8.5 Milyan Euro
24- Ukraine 8 Milyan Euro

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.