X

Lacagta ku baxdey safaarada Somaliya ee Maraykanka oo laga naxay

Somaliya waa dal taajira laakiin Ka fakhri ah dhinaca hogaaminta. Waxaan Ka mid ahay taageereyaasha dawlada hadda jirta waxaanse qaadan waayay lacagta uu sheegay wasiirka maaliyada ee ku baxdey safaaradeena Maraykanka oo lagu sheegay 4 milyan oo doolar.


Safaaraddu kama duwana safaaradaha kale ee burburku wada haysto, waxana jira safaarada ka mudan oo u baahan in boodhka laga jafo welliba ah kuwa dawlada Ka caawiya dhinacyada badan.

Maraykanka kama mid aha dawladaha jecel in dawlad xoogleh Ka dhalato dalka inkastoo Somaliya uu Ka taageero argagixisada marka uu dareemo inay dan ugu jirto.


Waxaad is weydiin kartaa halkee lacagtaas lagu bixin lahaa. Dabcan dalku waa burbur mar haddii wasiirku leeyahay lacagtaas mudaan ururinteeda ku jirney waxa muuqata in meel aan ku habooneyn ay ku dhacdey.

Kama fileyno dawlad ku faanaysa inay ilaalinayso shilinka soo gala inay goob aan muhiim ahayn ay kaga qasaarto. Waxay lacagtaas anfici lahayd ugu yaraan boqolaal Somaliyeed oo bilaa biyo ah.


Markan inaga qasaartaye bal inta xigta aan Ka feejignaamo inay istus inooga baxdo. Dabcan safaarad waxay Sharaf yeelan kartaa marka dalkeeda Sharaf leeyahay.

Waxaan soo xasuustey fadhiidyadii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo socdaalo bilaa faaiido ah ku dhameeyay lacagtii masaakiinta laga soo qaaday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.