X

Lawyacado oo la ciirciireysa reer Jabuuti reer gaara ah oo iska diiwaangelinaya gobolka Salal: ARAG CADAYMO

Araabinews (Lawyacado)–Warbaahinta Araabinews oo u kuurgalaysay usbuucii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqa dadka xadka gobolada Awdal la wadaago Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo ogaatey ula kac loo diiwaangelinayo dadka Ciisaha ah ee degan Jabuuti ama Itoobiya.

Badhasaabka gobolka Saylac oo isagu ka soo jeeda Jabuuti shaqana aan ku lahayn gobolada Awdal ayaa u sheegay dadka reer Jabuuti in ay tahay fursad ay kaga faiideystaan in ay gobolkan ku lahaadaan dad farabadan.

Waxayna arintan ka shaqaynayeen in muddo ah, markii la bilaabey diiwaangelinta waxa Jabuuti laga soo kireeyay ku dhawaad labaatan gaari oo dadka ka soo gura gobolada Jabuuti. Fiiri sawirka hoose oo aan ka soo qaadney Lawyacado.

Waxana gawaadhidaas loo fududeeyay soo gelintaanka Saylac iyo Lawyacado. Badhasaabka ayaa fariin u dirayay dadka jooga Jabuuti si ay uga faaiideystaan usbuucan aan ku jirno oo dadku soo ordaan. Hoos ka maqal isago fariin u diraya.

Waxa kale oo aan idiin haynaa oo aad hoos ku daawanaysaan haweenay ka timi degmada DAMEERJOOG oo ka tirsan gobolka Carta ee Jabuuti oo ku faraxsan in ay is diiwaangeliso. Hoos ka daawo.

Hawlahan lagu soo daadgureynayo waxa si xooga hawshooda iskaga xilsaarey dawlada Jabuuti iyadoo adeegsanaysa maamulaha Kastanka, Badhasaabka Siilaanyo magacaabay iyo abaanduulaha ciidanka badda oo intuba midna u dhalan gobolka.

Dadka deegaanka ayaa iyagu is waydiinaya aaway caaqiladii gobolkan ma waxay soo dhaafi waayeen Boorama, mase waayeen cid u hadasha oo ka warhaysa tirada intaa leeg ee ka imanaysa hal beel kaliya oo ujeedadu tahay in la yiraa Saylac anagaa leh iyo inta ku wareegsanba.

Waxa tiro intaas la mida ay soo galayaan tuulooyinka u dhexeeya Saylac iyo Boon waxana yaaban dadka deegaanka oo abaar la tiicaya iyo dad dhiig ku jiro oo goobaha ka buuxa. Sawir kale oo aan ka soo qaadney Lawyacado (hoos)

Si kastaba ha ahaatee waxa soo bixi doona tiro ay ka naxaan reer Awdal inkastoo aad arkayso odayaal daalay laakiin arki doona in daalkoodaas uu yahay sacad biyo lagu shubey.

Isku soo duuboo waxa durba baraha bulshada ka qaylinaya dadka iyagu ka soo jeeda xeebaha Awdal oo leh kaca waxayse arki doonaan goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.