X

Liiska basaasiintii u shaqayn jirey Tigreega ee u joogey Koofurta Somaliya oo la shaaciyay

Liiska basaasiintii u shaqayn jirey Tigreega ee u joogey Koofurta Somaliya ayaa la shaaciyay. Liiskan oo qarsoodiya ayaa waxa ku jira xubno u badan maamulka Jubba iyo Koofur galbeed oo iyagu hoostagi jirey Itoobiya ilaa haddana ku jira gacanta Itoobiya.


Sirdoonka Itoobiya ayaa soo gudbiyay faylasha ragani oo jaajuusiin weyun ahaa. Ceebta ugu weyni waa in dadka liiska ku jira qaar badan ay xilal sare ka hayaan dowladda haatan jirta iyo maamul jufeedyada.


Liiska oo aad u dheer iyo xogtan oo qarsoodi ah aawadeed, waxaan idinla wadaagi doonaa shaqsiyaadka ugu darajada sareeya xagga darajoojinka ay sirdoonka Itoobiya u qornaa.

1. Jeneraal Darwiish (Majeerteen/Biciidyahan) oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa ah ninka ugu sareeya darajada jawaasiista Ethiopia ee Somalia joogta, waxaana uu Ethiopia ugu qoran yahay G/Sare.


2. Jeneral Fartaag (Mareexaan/Reer Diini) oo hadda ah xubin Aqalka Sare, isagana galkiisa laga helay xarunta Sirdoonka Ethiopia, waxaana ugu qoran G/Dhexe.

3. Xasan Xuseen Eelay (Raxanweyn) oo hadda ah Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa galkiisa laga helay Xarunta Sirdoonka Ethiopia, waxaana ku qoran Gaashaanle Dhexe.

4. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig (Ogaadeen/Cawlyahan), oo ah xubin Golaha Shacabka ayaa isna galkiisa laga helay xarunta Sirdoonka Ethiopia, waxaana u qoran G/Dhexe.

Dadka ku jira liiska laga helay Xarunta Sirdoonka Ethiopia, waxaa kaloo ka mid ah:

5. Cabdullaahi Sanbaloolshe (Xawaadle/Cali Madaxweyne), oo horey u ahaa Taliyaha Sirdoonka ayaa ku jira liiska ay Ethiopian-ku soo bandhigeen.

6. Wasiir Jamaal (Warsangeli/Dubeys). Waxaa u qoran Gaashaanle. Wuxuu u shaqeynayey Itoobiya ilaa 2012.

7. Cabdi Xoosh Jibriil (Leelkase), waxaa u qoran G/dhexe. Wuxuu u shaqeynayey Itoobiya ilaa 2005.

8. Xildhibaan Mahad Cawad (Dir/Surre), Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka. Waxaa u qoran G/Sare. Wuxuu u shaqeynayey Itoobiya ilaa 2000.

9. Mudane Mustaf Dhuxulow (Murusade/Habar Ceeno). Waxaa u qoran Gaashaanle. Wuxuu shaqeynayey ilaa 2004.

10. Maxamuud Sayid Aadan (Mareexaan/Reer Xasan), Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland. Waxaa u qoran G/Dhexe.

11. Cabdifitaax Geesey (Raxanweyn), Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Soomaaliya. Waxaa u qoran Gaashaanle.

12. Xasan Dhaqane (wuxuu yahay lama yaqaan), oo ah nin muddo dheer iskii u deganaa Hotel Jazeera oo dad badan isweydiin jireen cida ka bixisa oo uu u shaqeeyo, laakiin xogta liiskan ayaa daboolka ka qaaday marxaladddiisa.

Waxaan shalay baahiney liiska jaajuusiinta Tigreega uga qornaa Somaliland.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.