X

Lix qof oo danab ama biriq ku dishey deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose

Lix ruux ayaa ku dhimatey danab ama biriq ku soo dhacdey gobolka Shabeelaha Hoose. Dadkan danabku ku diley gobolka ayaa la sheegay inay dhamaantood ahaayeen dad beeralay ah.



Dadka deegaanka oo u waramay idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in xilliga danabku ku dhacay ay dadkani ku sugnaayen beeraha ay fashaan roobna si xooga u da’ayay.



Bishii hore ayay ahayd markii danab ku diley deegaan u dhow Caabudwaaq laba lamaane oo mar aan fogeyn ku aqal galay deegaanka AriCadays.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.